Dhageyso Axmed Daaci: R/W C/WELI & FAARAX C/Qaadir ayaa isoo weeraray, balse waxay iga helaan ayay lee yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), ayaa wuxuu ka hadlay weerarka hubeysan ee lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay Degmadaasi Wadajir.

Gudoomiyihii hore wuxuu sheegay inaan kiligii oo kaliya la soo weerarin, isla-markaana xubnaha la soo weeraray ay ka mid yihiin Xildhibaano sida Cumar Finish iyo Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan, balse uu weerarku ka bilowday hoygiisa.

Wuxuu sheegay in weerarkaan la soo qaaday 4:00 aroornimo ee saakay, ilaa iyo hadana ay iska difaacayaan Ciidamada Hay’adda iyo Nabad Suggida iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaanu aqoon waxa keenay in laa soo weeraro, isagoo xusay inay la yaaban yihiin waxa keenay inay duulaan qaawan ku soo qaado Dowladda Federalka ee Somaliya.

“Waxaa isoo weeraray ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/Qaadir, oo dagaal qabyaaladeed nagu billaabay, balse waxay naga helaan ayay lee yihiin” ayuu yiri Axmed Daaci.

Axmed Daaci, ayaa wuxuu weerarkaaan ku macneeyay fal argagaxiso, waxna laga weydiin doono Dowladda Federalka ee Somaliya, waxa keenay inay weerarkaan ku qaado.

“Weerar argagaxiso ayaa na lagu soo qaaday ma garan karno waxa naloo soo weeraray, cidii weerarka soo qaaday ayaana wax laga weydiin doonaa. Ilaa iyo hadda is difaacid ayaan ku jirnaa.” ayuu yiri Axmed Daacid.

Axmed Daaci, ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalka uu geysanaayo khasaaro, balse aan xilligaan la ogaan karin, xabada oo weli ka soconeyso Degmadaasi.

Dagaalka ka sii soconaayo Degmada Wadajir, ayaa waxaa si toos ah loogu arkayaa ciidan taabacsan Xildhibaanada Cumar Maxamamed Maxamuud (Cumar Finish) iyo C/qaadir Cali Cosoble.

Halkan ka dhageyso Axmed Daacid

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com