Nabadsugida oo amartay in la weeraro Indha-Cadde & Ereg oo diiday (Qabiil)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in Ciidamada Nabad-sugida ay ku wajahan yihiin Hooyga Gen. Yuusuf Indha Cadde oo horay uga tirsanaa Dowladihii dalka soo maray, kana mid ah dadka hubka iyo ciidanka badan ku haysta Muqdisho..

Wararku waxa ay sheegayaan in Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida Sanbaloolshe uu Saraakiisha Hay’ada ku amray inay u diyaar garoobaan howlgalo ay ka fuliyaan guriga Yuusuf Indha Cadde oo la sheegay inay ku jiraan Hub tiro-badan.

Agaasimaha ayaa la sheegayaa inuu Saraakiisha faray in Indha Cadde la marsiiyo wadadii la marsiiyay Cabdi-Nuure Siyaad oo iskuday dil ka bad-baaday, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in howlgalkaasi uu is hortaagay Wasiirka Amniga Khaliif Erag.

Khaliif  Erag, oo ay beesha Habar-Gidir kasoo wada jeedaan Indha Cadde, ayaa diiday in Ciidamada Nabadsugida ay u dhawaadan Hooyga Indha Cadde, waxaana la tilmaamayaa in is hortaaga Khaliif uu sababay Khilaaf  aan horay u dhicin.

Arrintaasi, ayaa waxa ay dhalisay shaki ku saabsan in Ereg uu qabiil ahaa u diiday in la weeraro Indha-Cadde, maadaama horey loo weeraray Cabdi Weli Qanyare.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Hay’ada ayaa iminka ku kala maqan is hortaaga weerarkii lagu qaadi lahaa Hooyga Indha Cadde, iyadoona ilo wareedyo ay xaqiijinayaan in guriga Yuusuf Indha cadde ee ku yaalla agagaarka madaxtooyada laga daadgureynayo Hub farabadan, islamarkaana loo raraayo Gobolka Shabeleeha Hoose.

Lama Oga halka uu biyo dhaca Khilaafkasi noqon doono, wallow wararka aan heleyno ay sheegayaan in weerarada lagu qaadayo Mas’uuliyiinta qaar ay tahay mid looga cad-goosanaayo shaqsiyaad ay Siyaasad adag kala dhexeyso Madaxda Laamaha Amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com