DEG DEG AH: Ciidamada Amisom oo ku biiray dagaalka DF iyo beesha Daa’uud kadib markii lasoo jebiyey DOWLADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhow naga soo gaaray dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladdai iyo kuwa siyaasiyiinta beesha Daa’uud, ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku biireen ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii jab weyn la gaarsiiyey ciidamada nabad-sugidda dowladda, oo ay soo direen ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/Qaadir, lana soo raacdeystay.

Laba gaari oo dagaal ayaa laga gubay ciidamada dowladda, askar bandanna waa laga dilay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ay iminka madaafiic ku garaacayaan xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley, oo shacab badan ay kala carar ku jiraan.

Madaafiicdo qaarkood ayaa ku dhacaya guryo shacab ah, waxaana arrintu u ekaatay mid xasuuq ah.

Dagaalka ayaa weji cusub iminka galay, waxaana la sheegay in shacabka beesha Daa’uud ee lasoo weeraray ay hubka qaadanayaan, si ay isku difaacaan, xilli madaafiicda Amisom ay ku socoto.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Onlie

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com