DEG DEG: Ciidamada DF oo weeraray 3 siyaasi oo BEESHA DAA’UUD u dhashay (Dagaal weli socda iyo jab gaaray DFS)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada hay’adda Nabad Suggida iyo kuwa beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal, ayaa Muqdisho ka socda, kadib markii la weeraray saddex siyaasi oo beeshaas u wada dhashay.

Dagaalka, ayaa waxa uu markii hore ka qarxay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online in ciidamada nabad-sugidda ay weerareen siyaasiyiinta kala ah  C/llaahi Sheekh Xasan, Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish).

Saddexdan nin ayaa dhammaantood kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal, oo ka mid ah beelaha ugu xoogga badan Muqdisho.

Ciidamo daacad u ah saddexdan siyaasi, ayaa la sheegay inay iska caabinayaan ciidanka nabad-sugidda ee soo weeraray, ayna xoogaa dib isaga durjiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in gaari dagaal laga gubay ciidamada nabad sugidda, dhowr askarina laga dilay, ayada oo dagaalka uu weli socdo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in dagaalku yahay mid aad u culus.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada beesha  Daa’uud ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkinleey, ay heegaan ku jireen maalmahan, ayna filayeen weerarka, taasi oo keentay jabka gaaray ciidamada dowladda. Waxaa la sheegaya in ciidamada dowladda laba goor lasoo jebiyey.

Ciidamada saddexda siyaasi ee beesha Daa’uud, ayaa waxaa si weyn loogu arkayaa laamiga dheer ee Suuqa weyn ku yaala, iyagoona dib u riixay Xoogaga Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ee dagaalka soo qaaday, oo iminka lasoo dhaafiyey isbitaal Banaadir.

Cabdullahi Sheekh Xasan, ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo xubnaha kaleba ay ka bad baadeen weerarkii ay dowladda kusoo qaaday ee lagu dili lahaa.

Weerarkaan waxa uu ku soo aadayaa, xilli ay soo dhaweyd Salaaddii Subax, ayna dadka reer Wadajir isu diyaarinayeen Salaadda.

Arrintan ayaa yeelan karta cawaaqib aad u xun, maadaama beesha Wacbuudhan, oo ah beel awood ku leh Muqdisho, ay markii horeba wax ka tirsaneysay dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale iyana wax lala yaabo ah in xildhibaan ka tirsan dowladda gurigiisa lagu weeraro.

Ra’iisul wasaare Cabdiwali iyo Wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqadir ayaa amar ku bixiyay in hubka dhigis lagu sameeyay 63 Masuul oo iskugu jira Ganacsato iyo Siyaasiyiin u dhashay beesha Hawiye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com