10 beelood oo kala qeybsaday gudiga dhismaha maamulka GAL-GADUUD iyo MUDUG (AQRISO sida loo kala qaatay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan qaabka ay beelaha Soomaaliyeed ee dega gobollada dhexe kala qeybsadeen gudiga Ergada ka soo shaqeyn doonto dhameystirka Maamulka Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa lagu kala qeybsaday sida loo kala dego Deegaanadaasi, waxaana ugu badan Beesha Habar-Gidir oo heshay 9 xubnood, ayada oo ay kusoo xigaan beelaha Mareexaan iyo Murusade oo helay min 3 xubnood.

Sida ergada dhismaha loo kala qeybsaday:-

1- Beesha Habargidir ee Gobolka Galgaduud iyo Mudug , waxaa ay heleen 9 Xubnood.

2-Beesha Murusade ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 3 Xubnood.

3 – Beesha Abgaal ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 2 Xubin.

4 – Beesha Duduble ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 1 Xubin.

5 – Beesha Sheekhal ee Gobalka Mudug,  waxaa ay heleen 1-xubin.

6 – Beesha Mareexaan ee gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 3-xubnood.

7 – Beesha Majeerteen ee Gobalka Mudug, waxa ay heleen 2-xubnood.

8 – Beesha Leelkase ee Gobalka Mudug waxa ay heleen, 2-xubnood.

9 – Beesha Dir ee Gobalka Mudug,  waxa ay heelen 1-xubin.

10 – Beesha Carab Saalax ee Gobalka Mudug,  waxaa ay heelen 1-xubin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha aysan ku qanacsaneyn xubnaha soo gaaray, ayna cabasho u gudbiyeen dowladda federaalka, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo hab qeybsigan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com