Dhageyso R/W Farmaajo: Xasan Sheikh waa uu ka been sheegay SHIRKII USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa ay ka been sheegeen natiijadii ka soo baxday shirkii Mareykanka iyo hogaamiyaasha Afrika, taas oo aheyd in dowladda Soomaaliya ay guul ka soo hooysay shirkaasi.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in shirkii Mareykanka ay kasoo gaareen guulo, balse Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dowladda aysan ka run sheegin shirkaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in loo baahnaa in mudada labada dano in Dowladda ay ka guul gaarto ammaanka iyo dhaqaalaha, balse ay taasi ku guul darreysatay taasi oo uu sheegay in ay ku weysay taageeridii ay ka heli lahayd Mareykanka.

Farmaajo, ayaa dhaliilay madaxweynaha, wuxuuna sheegay in intii uu Xasan Sheekh hayay xilka, dowladdiisu ay ku guul dareysatay xaqiijinta ammaanka iyo soo celinta dhaqaalaha.

“Dalkii ammaan kama jira, caasimaddii nabad ma ahan, adiga gurigaaga (Villa Somalia) ayaa dhowr jeer laguugu soo weeraray, waxaa la dilay dhowr xildhibaan, marka waxaa la yiri sidee maalgalin uga hadli kartaa hadiiba aadan suggin ammaanka dalkaaga (…) Madaxweynuhu jawaabtiisa waxey aheyd in qatartaas la qaato oo la galo risk” ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG ahayd, Farmaajo oo ka hadlay Arrimaha Badda Soomaaliya ayaa sheegay in Badda Soomaaliya badbaadinteeda looga baahan yahay Baarlamaanka.

Halkan ka dhageyso Mudane Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com