DF SOOMAALIYA oo hambalyo u dirtay madaxweynaha cusub ee KHAATUMO

Saaxdheer (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay doorashada uu ku guuleystay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha afarta sanno ee soo socota maamulka Khaatumo State.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa qadka taleefonka ugu hambalyeeyay Cali Khaliif Galeyr markii uu ku guuleystay doorashadda ka dhacay deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cali Khaliif Galeyr ayaa wareegii koobaad ee doorashadda kaga adkaaday 12-cod Maxamed Yuusuf Jaamac oo Indhasheel loo yaqaano oo kula tartamayay doorashadda isla markaana horrey u soo qabtay xilka madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha Cali Khaliif Galeyr wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladda sidaas oo kale ay usoo dhaweenayaan guusha xildhibaan Cali Khaliif.

Wuxuu kaloo aad u bogaadiyay xildhibaannada doortay madaxweynaha cusub iyo guddiga doorashadda.

Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel ayaa helay 9 cod.

Waxaa kaloo la doortay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo State, waxaana loo doortay Cabdelle Cagalule oo isna la tartamay ilaa sideed musharrax, waxaana doorashadda madaxweyne ku-xigeenka la isla tagay ilaa seddax wareeg.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u taageersaneed maamulka Khaatumo State oo seddax sanno ka hor lagu dhisay degmada Taleex ee gobalka Sool.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galeyr oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhisi doono isaga iyo ku-xigeenkiisa wasiiradda maamulka Khaatumo State.

Waxaa kaloo qaabka doorashadda u dhacday iyo in looga adkaaday goobta ka sheegay madaxweynihii hore Indho Sheel isagoona ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray maamulka Khaatumo State.

Maxaa loo xushay deeganka Saaxdheer in lagu qabto doorashadda?

Sidda ay lee yihiin qaban-qaabiyaasha doorashadda, waxaa loo arkay deegankan deegan ay soo gaari karaan ergooyin iyo dadweyne kale oo ka kala yimid, Puntland, Somaliland Itoobiya iyo kuwa kale oo ka yimid dibedda.

Deeganka Saaxdheer waa tuulo muddo dheer soo jirtay, waxaana ay 3km u jirtaa xadka Itoobiya, sidoo kale waxay xad la lee dahay Somaliland iyo Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo maamulada Somaliland iyo Puntland oo ku aadan doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif Galeyr oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Laascaanood

Caasimada@live.com