Axmed Madoobe oo MUQDISHO looga carreysiiyey kaddibna ku dhaqaaqay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in kulankii Xubno ka tirsan golaha ammaanka qaramada midoobey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho uu ahaa mid siyaabo badan loogu baraarujiyay Mas’uuliyiintii ka tirsaneyd Dowlada Federaalka Somalia ee ka qeybgashay Shirka.

Xogta qaar, ayaa sheegeysa in kulanka kadib ay Xubnahaasi kulan adag la qaaten Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe oo ay kala hadleen Arrimo badan.

Xubnaha ayaa waxa ay Hogaamiyaha Su’aalo badan ka weydiyeen Amniga iyo Ganacsiga, gaar ahaan kuwa kasoo dega Dekadda Kismaayo iyo kuwa laga dhoofiyo.

Wararku waxa ay tibaaxayan in Xubnahaasi ay Axmed Madoobe ku amreen inuu joojiyo dhoofinta Dhuxusha, waxaana la tilmaamayaa in Xubnaha ay la hadleen Saraakiisha AMISOM ee Kismaayo, iyagoona uga digay inay kusii dhiirnaadan dhoofinta Dhuxusha oo ay garab ku siinayaan Maamulka KMG.

Axmed Madoobe, ayaa la sheegayaa inuu dafiray in Kismaayo laga dhoofiyo Dhuxusha, hase yeeshee lagu dirqiyay inuu fuliyo Amarka, haddii taasi la waayana ay go’aan kasoo saari doonan.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu amray inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku xaliyo colaadaha ka taagan Kismaayo, islamarkaana howlaha Ammaanka uu kaalintooda ka siiyo Saraakiisha Dowlada ka jooga Deegaanada Jubba oo iyagu aan iminka heyn Howshii halkaasi loo geeyay.

Dhanka kale, Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa la sheegayaa inay durbadiiba ka ambabaxeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Axmed Madoobe uu ka biyo diiday inuu ku hoydo Magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha jabhadda Raaskambooni, ayaa la sheegay inuu aad uga carrooday hadallada xubnihii golaha ammaanka, isaga oo dareemay in dowladda Soomaaliya ay ka bixisay xog uusan ogeyn.

Axmed Madoobe ayaa waxaa durbadiiba la duusha Diyaarad u taagneyd Garoonka, waxa uuna u baqay naftiisa, isagoona u hoyaaday Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com