Nabad-sugidda oo goor dhow weerar kale ku qaaday mas’uul DF ka tirsanaa

Muqdisho (Caasimada Online)  – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida ay weerar culus ku qaadeen guri uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Yuusuf Kabaale  oo horey u ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa la sheegayaa inay qaaden Gaadiid gaaraya illaa Shan oo ay wateen Ciidamada Nabadsugida kuwaasi oo weerarku ku bilaabay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Yuusuf Kabaale ilaalada u aheyd.

Yuusuf Kabaale ayaa degnaa Degmada Dharkiinle, waxaana la sheegayaa in guriga Yuusuf Kabaale laga soo saaray Hub culus oo uu u haayay Axmed Daaci.

Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in Yuusuf Kabaale goor dhow loo kaxeeyay Xabsiga Nabadsugida ee Jilacow, waxaana la Tilmaamayaa in lala qabtay hub farabadan oo uu u haayay Axmed Daaci.

Lama Oga sida ay Ciidamada Nabadsugida ka yeeli doonto Siyaasiyiintaani ay maanta ku weerareen Hooygooda kuna soo ka xeysteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com