BEESHA HAWIYE oo dagaal ka dhan ah CIIDAMADA AMISOM ku dhowaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) oo ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa sheegay in uu billowday dagaal ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qooleey oo la hadlay Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in beesha Hawiye ay diyaar la tahay siddii ay isaga celin lahayd ciidamada AMISOM iyo kuwa nabad sugida ee dowladda.

Wuxuu sheegay in beesha hawiye ay ku dhawaaqday dagaalka AMISOM isla markaana ay weeri doonto xarunta AMISOM ugu weyn ee Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qooleey ayaa ku celceliyay in AMISOM ay ka jilcan tahay ciidamada Itoobiya isla markaana beesha Hawiye sannadkii 2006-da ay la dagaallantay ciidamadii Itoobiya ee soo galay Soomaaliya lana dagaallamay Midowgii maxkamadaha Islaamiga.

“AMISOM waa loo joogaa haddii ay si nabadgalyo leh ay ku marto waddooyinka Muqdisho, isla markaana ay deganaanto xaruntooda Xalane sidoo kale uu si nabadgalyo leh uu ku shaqeeyo garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yiri Maxamuud Daahir Faarax.

Wuxuu kaloo sheegay Qooleey in ciidamada AMISOM ay si gardaro ah ay dad shacab ah ugu laayeen degmada Wadajir saakay oo Jimco ah kaddib markii ay soo weerareen gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

“Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye iyaga ayaa shacabka Muqdisho galiyay dagaalkii Itoobiya lala galay, waxaa maanta laga rabaa in ay ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah AMISOM iyo kuwa madaxtooyada jooga ee soo amray dagaalka qaawan ee lagu soo qaaday Axmed Daaci” ayuu yiri Qooleey.

Hadalka siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax oo loo yaqaano Qooleey ayaa ku soo aadaya iyadoo saakay aroortii uu degmada Wadajir ka billowday iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo ilaalada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci).

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com