Dhageyso: Habargidir: Haddii Xasan uu saan ku socdo hubka ayaa la qaadan

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ah imaamka Beesha Habargidir, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga hadlay weerarka aroornimadii hore ee saakay lagu qaaday Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku sugan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ee kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Abgaal.

Imaam C/laahi Khaliif Rooble, ayaa waxa uu cambaareeyay duulaanka ka dhanka ah Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta, iyadoona uu ka digay sii socoshada weerarada ceynkani oo kala ah.

Imaam C/laahi Khaliif oo wareysi siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si adg u sheegay in weeraradaan laga lee yahay dano gaar ah.

“Dagaaladaan waa wax dano laga lee yahay, Xildhibaanadu ma yeeli doonaan in marba mid lagu duulo, haddii uu sii socdana duulaanka lagu haayo Xildhibaanada, waxaa la arki doonaa Magaalada Mudisho oo jewi kale gashay.” ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haddii Dowladdu ka waan-toobi weydo weerarada ay ka wado Magaalada Muqdisho, inay beeluhu hubka qaadan doonaan, isla-markaana ay dagaal kala hortaggi doonaan.

“Dowladda Xasan Sheekh haddii ay ka laaban weydo waxay ka wado Magaalada Muqdisho, waxaa la arki doonaa beelaha oo hubka wada qaatay, dagaalna ay kala horyimaadaan.” ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif.

Ciidamada Nabad Suggida oo garab ka helaaya Xoogaga Amisom, ayaa waxay saakay ku jarmaadeen hoyga uu degan yahay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), iyadoona uu dagaalku saameeyay Xildhibaanada kala ah Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) iyo C/qaadir Cali Cosoble. Sidoo kalana waxaa dagaalka si toos ah ugu jira ilaalada Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan.

Halkan ka dhageyso Imaamka Habar-Gidir

Isha: Dhacdo