Ciidanka DFS oo la wareegay idaacado oo ku yaalla Muqdisho (Yaa ka mid ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia ay la wareegen gabi ahaan Qalabkii Idaacada Shabelle iyo SKY ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo watay gawaarida Dagaalka iyo shabaqle ayaa waxa ay awood ku galeen Labadaasi Idaacad, iyagoona kala furfuray Qalabkii Idaacada ee lagu tabinaayay wararka.

Shabelle iyo SKY ayaa waxa ay maalmahaani ay aad uga soo horjeeden Weerarada ay Ciidamada Nabadsugida ku hayeen Siyaasiyiinta iyo Dilalka loo geysanaayay Xildhibaanadii dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho, taasi oo sababtay in Ciidamadu ay gudaha u galaan islamarkaana ay xoriyada ka qaadan Weriyayaashii ka howlgalaayay.

Xilliga ay Ciidamadu gudaha u galeen Idaacada SKY ayaa waxa ay ku howlaneyd Tabin warbixino looga hadlaayay qaabka ay Shacabka u arkaan Dhibaatooyinka ay Ciidamada Dowlada u geysanayaan Siyaasiyiinta iyo Dilalkii loo geystay Xildhibaanada.

Dhanka kale, Labada Idaacad ay Ciidamadu la wareegen ayaa waxa ay goor dhow ka qeybqaadanayeen Weeraradii gafka ahaa ee lagu qaaday Hooyga Axmed Daaci.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com