SAWIRRO: AMISOM oo soo bandhigtay Hub iyo Maleeshiyaadkii AXMED DAACI

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska sare Ciidamada AMISOM iyo Wasaarada Amniga Qaranka, ayaa waxa ay goor dhow Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Hub farabadan oo lagu soo qabqabtay Howlgalkii laga fuliyay Hooyga Axmed Daaci ee Magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa waxa ay soo bandhigeen Hub iyo dhalinyaradii la dagaalameysay, waxaana arrintaani shaaciyay Taliyaha Qeybta koowaad ee Ciidamada AMISOM Dick Prit Olum oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Xarunta Xalane.

Dick Prit Olum ayaa sheegay in Howlgalku uu ahaa mid ku bilowday sidii loogu talo galay kuna soo dhamaaday guul, balse uu Ujeedku ahaa inay ka hortagaan Dhibaatooyinka ka imaankara hub aan DF u diiwaan gishneyn.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa cadeeyay in Howlgalka ay kusoo qabteen Hub iyo Maleeshiyaad gaaraya 18- kuwaas oo daacad u ahaa Gudoomiyihii Degmada Wadajir Axmed Daaci oo saakay looga adkaaday Dagaal uu la galay Ciidamada AMISOM iyo Nabad Sugida.

DAAWO SAWIRADDA

hub_1 hub_2 hub_3 hub_4 hub_5 hub_6 hub_7 hub_8

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com