DFS oo raalli galin siisay Axmed Daaci

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ammaanka xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerar qorsheesan oo saakay aroortii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay ku qaadeyn degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howgalkii saakay uusan ahayn mid lagu bartilmaameesanaayay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci balse uu ahaa mid lagu dooneyey in lagu soo qabto wax uu ugu yeeray kooxo qaswadayaal ah oo hub sharci darro heystay.

Wuxuu sheegay oo kale sidda warbaahinta ay u sheegeyn howgalka in uusan ahayn ee ahaa in lagu beegsanaayay guddoomiyihii hore Axmed Daaci balse uu ahaa mid lagu qabqabanaayo hubka sharci darrada ee lagu heysto magaalada.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalkii saakay lagu soo qabtay hub aad u fara badan iyo maleeshiyaad kuwaasoo uu yiri sharciga ayaa la horkeeni doonaa.

Dhinaca kale, Afhayeenka wasaaradda ammaanka ayaa tilmaamay in dowladda ay go’aan ku gaartay in la xiro labada Idaacad ee SKY iyo Shabeelle kuwaasoo maanta barqadii irdaha loo laabay.

Wuxuu sheegay labadaas Idaacad in ay dalka ka abuurayaan falal ammaanka lid ku ah.

“Dad weynaha Muqdisho ayaa na soo wacayay oo na lahaa maa la xiro labadan Idaacad oo dalka fitno ka wada, waxay ka mid yihiin Idaacadaha shar-wadayaasha” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo labadan Idaacad la xiro waxaa la xiray xilligii uu wasiirka amniga ahaa Cabdikariin Xuseen Guuleed kaddib markii lagu amray in ay ka guuraan dhismo ay lahayd shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com