Axmed Daaci oo yiri “Xorriyad ayaan ku noolaan doonaan ama waan dhimman”

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay saakay waaberigii weerar culus ku qaadeyn gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu Axmed Daacid ka cararay gurrigiisa.

Haddaba BBC-da ayaa Wareysatay Axmed Daaci waxaana la weydiiyay halka uu ku sugan mar haddii gurrigiisa lala wareegay iyo wixii ciidan uu lahaa.

Wuxuu sheegay in uu ku sugan yahay qeybo ka mid ah degmada Wadajir isagoona yiri in uu labo mid uu ku noolaan doono waa Xorriyad ama in uu geeriyooday.

Axmed Daaci ayaa ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com