Dhageyso: Prof. Galayr oo waxbo aan u reeban DF, Puntland iyo Somaliland

Saaxdheer (Caasimada Online) – Idaacadda VOA-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay mudane Cali Khaliif Galeyr oo Khamiistii tuulada Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiye loogu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State afarta sanno ee soo socota.

Cali Khaliif Galeyr oo horey u soo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya isla markaana ahaa mudane baarlamaan ayaa arrimo dhowr ah ka hadlay oo ay ka mid tahay xiriirka maamulka Khaatumo iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in uu marka hore uusan isla wadi doonin labada xi lee ah in uu yahay madaxweynaha maamulka Khaatumo State iyo in uu sii ahaado xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Khaliif ayaa daaha ka rogay in uu la hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka oo uu sheegi doono in uu ka baxay baarlamaanka isla markaana wixii hadda ka dambeeya uu u wareegi doono siddii uu uu kor u qaadi lahaa maamulka Khaatumo.

“Anniga xilka aan hayay waxaa igala weyn tan hadda aan qabtay, waxaana aan la hadli doonaa guddoomiyaha baarlamaanka oo iskuma qaban dooni labada xil oo waxaan rabaa in aan dhaqaajiyo maamulka” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Muxuu ka yiri xiriirka Khaatumo VS DF?

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhowr jeer uu la kulmay madaxweynaha, raysal wasaarihii hore iyo kan iminka iyo xittaa guddoomiyaha baarlamaanka una sheegay in Khaatumo ay rabto midnimada Soomaaliya ee la hala taageero balse waxbo nooma qaban ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

“Khaatumo waxay u muujisay dowladda in ay diyaar u tahay in la mideeyo Soomaalida, siddii loogu lisay nooguma hambeyn, xaqeenii iyaga ayaa ku fadhiya balse Libaaxii Alamtaro soo dhaaf” ayuu yiri

Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay ugu horeyso cidda uu ka socon la’yahay maamulka Khaatumo State “Xaqeena cidda ku fadhida waa maamulka Muqdisho ka dhisan” ayuu yiri.

Digniin uu u diray Somaliland

Cali khaliif Galeyr ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay haddii aaney joojin faragalinta iyo caburinta ay ku hayaan dadka ku dhaqan deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State in ay diyaar la yihiin dagaal ay la galaan.

Wuxuu sheegay oo kale in Somaliland ay u soo dirtay degmada Taleex 150 Tikniko oo ay saaran yihiin askar kuwaasoo la rabo in lagu gumaado dadka ku dhaqan Laascaanood iyo Taleex arrintaasna ma soconeyso ayuu yiri.

“Wax la maqlay ma ahan in shacab uu shacab kale uu gumeysto, oo dhulkooda iyo dhigooda la baneest wax xun ayaa meesha ka aloosan, oo dadka Khaatumo waxay noqdeen kuwa loo caga jugleeyo oo la dhaho kama hadli kartiin aayihiina, waa meesha kaliya ee Soomaaliya la dhahay ma tashan kartiin” ayuu yiri Cali Khaliif.

Wuxuu ku goodiyay in dagaalka Khaatumo ay kula jirto Somaliland in uu is badali doono haddii aaney joojin faragalinta ay ka wado Sool iyo Sanaag.

Wuxuu sheegay in maamulka Khaatumo la dhisay bishii January sannadkii 2012-ka oo uu maanta jirsaday seddaxsanno.

“Ciidamada Somaliland maantadan markii doorashada ay dhacday oo dadka reer Laasacaanood ay muujiyeen sidda ay ula dhacsan yihiin waxaa lala dhacay rasaas, waana ayaan darro” ayuu yiri markale.

Puntland muxuu ka yiri?

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Puntland ay ka mid tahay kuwa doonaya in ay boobaan dhulka maamulka Khaatumo State balse wuxuu tilmaamay in aysan ka yeeli doonin.

Wuxuu sheegay in Puntland ay isku taxluujisay siddii ay u qabsan lahayd Sool iyo Sanaag haddana aaney ka fogeyn arrintaas sidda uu yiri.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu dambeyn sheegay in uu maamulka uu hoggaaminaayo uu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya beesha caalamka.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cali Khaliif Galayr


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com