Ammaanka Garoowe oo la adkeeyay iyo olole ay wadaan musharrixiinta

Garoowe (Caasimada Online) Ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa aad loo adkeeyay waxaana la dhigay meel kasta ciidamo aad u hubeysan.

Arrintan ayaa ka dambeesa iyadoo maalinta Arbacada ee soo socota Puntland ay ka dhaceyso doorashadda madaxtinnimada taasoo sannadkan ka badalan doorashooyinkii horre.

Magaalada waxaa ku qulqulaya ergooyin caalami ah iyo wariyaal ka yimid Nairobi kuwasoo doonaya in ay goob joog ka noqodaan doorashadda madaxweynaha Puntland.

Maanta oo Isniin ah waxaa loo oggolaaday musharrixiinta in ay la hadlaan dad weynaha reer Puntland, maalinta berrina waxa ay soo gudbin doonaan khudbadahooda ay ku soo bandhigayaan haddii ay ku guuleestaan xilka wax yaabaha ay qaban doonaan.

Ciidamada daraawiishta ayaa si weyn loogu arkayaa magaalada oo dhan, waxaana si caaddi ah ku shaqeenaya goobaha ganacsiga iyo gaadidka dad weynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com