Madaxtinmada Soomaaliya waa xabsi iyo qaxootinimo!! (Faallo xasaasi ah)

Tan iyo markii ay dhaceen Dagaalada Sokeeye ee Soomaliya waxaa mar waliba aad arkeysa waxaad la yaabtid oo ku soo kordha Dhacdooyinkii Soomaalya ka jirey , waxay 10-kii September ee Sannadkii 2012  markii lagu Dhawaaqey in Xasan Shiikh  uu noqdey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markiiba Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo wada jira  ay Guryahooda ugu tageen Qoyska Madaxweynaha la doortey si loo geeyo Goob Amaan ,  iyadoo inta uu socda Howlgalka lagu Badbaadinayo Dadka Ehelada la ah Madaxweynaha ayaa waxaa  si aad ula yaabay Bulshada waxayna  qaarkood  ku Calaacaleen  ” Haddii Madaxtinmada Soomaaliya ay sidaan tahay walee iguma ogid in aan dalkaan Madax ka noqdo marka in aan sidaa iska ahaado oo Xabada Rootiga aan kala goosano saaxiibadeey ama Deriskeyga  ayaa ii roon intii la I Barakicin lahaa oo Deegaankii la iga wadi lahaa  “

Wiil Dhalinyaro ah oo isna la yaaban sida loola  Badbaadinayo Qoyska Madaxda Dowlada ayaa yiri “ inkastoo ay wanaagsan tahay in aan dalkaan Madax ka noqdo hadana markaana arkay in Ehelkeyga laga  Barakicinayo Deegaankii ay  ku noolaayeen waxaana Xaqiiqo  ah in Madaxtinimadaas noocaas  ay tahay  mid aan qiimo lahayn waayo hadi aanan dhexgeli Karin Bulshadda oo aan ka  noolaan Karin Deegaanka waa Madaxtinimo aan Sharaf lahayn

Iyadoo Dhacdadaas ay ahayd mid si aad looga Sheekeyo Soomaaliya ayaa dhawaan markii Raiisul Wasaare loo Magacaabey Cabdi weli Shiikh Axmed ayaa Ciidamo isugu jira Amisom iyo Soomaali waxay  hareereeyaan  Guri ku yaal Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan waxayna Dhacdaan ahayd  mid aan Goob Joog u ahaa , waxaana aan arkayey Ciidamada oo dadk ku amraya in ay Guryahooda ku  Xaroodan . markaa waxaan saarnaa Gaari BL ah oo isna lagu amrey in uu Wadada ka leexdo , waxaa markiiba aan biaabey in aan raadiyo Xog ku saabsan waxa ay Ciidamada meesha ay ka sameynayaan , waxaana wareystey Nin Odey ah oo  meesha ka dhawaa waxaana weydiiyey waxa ay qabanayaan Ciidamada markiiba waxaa ii dhibey War aan ku Qanci waayey oo ah in uu I yiraahdo “waxaan u maleynayaa in Ciidamada ay raadinayaan  dad ay ka shakiyeen oo ku jira mid ka mid ah Guryaha la hareereeyey”

waxaan bilaabey Xuuraansi kale si aan u helo waxa ay Ciidamada halkaan ka qabanayaan nin kale oo isna ka dhawaa Goobta oo la soo daayey ayaa I yri “ waxaana arkayey Hooyo  iyo Dhowr qof oo isugu jira Gabdho iyo wiilal oo la saarayo Gawaarida AMISOM ,welibana lala saarayo Boorsooyin iyo Alaabo kale marka ma garanayo ujeedka ka dambeysa in dadkaa halkaas laga saaro”

Markii Howgalkii Gabagaboobey ayaa dadkii Hal mar soo wada baxeen waxa markiiba aan heley qof degenaa Halkii Gurigii Howlgalku ku wajahnaa waxaana weydiiyey waxa Xiligaan ay Ciidamada ka sameeyeen waxaana uu yiri” Walaal ma garanayo waxa meesha ka jira waxaan u maleynayaa in ruux la tuhunsan yahay in uu meesha ku jiro “ Sheekadaas mar kale waan ku  Qanci waayey,  waxaan u sii dhawaadey Goobtii Howlgalka uu ka socdey waxaan heley Islaan Deris la ah halka Howlgalku  ka socday waxaa weydiiyey waxa meesha ka jira , iyadoo  naxsan oo Fiigsan ayey I tiri” Amiinow walaal Guriga waxaa Degenaa Islaan Dhashey Raiisul Wasaaraha Cusub Cabdiweli Shiikh Axmed iyada ayaa halkaas laga wadayey oo la Badbaadinayey” waxay ii sii raacisey “Islaanta ma ogeyn  in Wiilkeeda Raiisul Wasaare Noqdey oo markii la saarayey ayaan waxaan ka maqalyey iyadoo Ciidanka ku eh maxaa iga rabtaan,  igana ugu jawaabayay “ Hooyo wax kale ma jiraan wiilkaadii Cabdiweli ayaa maanta Riisul Wasaare loo Magacaabey

Islaantii inta naxdey yey ku tir ragii ka xayn lahaa ” Maandheyskow oo qofkii madax laga dhigo Dadkiisana Ma la Barakiciyaa? Aniga meeshaan ayaa bartey Deris fiicanna waa leeyahay ee maad iska  kay dhaaftaan aan dadkeyga ku dhex jiraa “ Sarkaallkii watey Ciidamada oo Soomaali ahaa  ayaa Islaanta ugu jawaabey “Hooyo  sidaan baa nala soo amrey ee Gaariga nasaar si aan kuu ag dejino wiilkaaga “ islaantii oo ka Xun in ay ka barakacdo Deegaanka  ayaa si hal halaal ah u Fuushey Gaariga  waxayna horey u Macsalaameysey Deriskeedi muddo dheer la nooleyd hase yeeshee islaanta waxay ahayd  qof si aad ah looga jaclaa Deegaanka welibaa Deeqsi ah , waxaana barakaceeda ka Xumaadey dhamaan dadkii Deriska ahaa oo laba iyo Saddex  inta u fariisteen ka sheekeynayey islaantii halkaa laga kaxeeyey

Nin odey oo is aad ah u yaqaaney Islaanta Dhashey  Raiisul Wasaaraha cusub oo aad uga  Murugeysaa  ayaa ku Calaacaley “ Islaantaan waa qof aad u wanaagsanaa oo Deriskeeda u roon marka  waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu meel wanaagsan geeyo “hase yeeshee waxaa  uu  aad ula yaabey oo uu si barbar dhigey sida Madaxdii hore  Ehelooda iyo Caruurtooda ugu dhex jireen Bulshadooda iyo kuwa maanta aysan Bulshadooda ugu dhex noolaan Karin Xitaa hadii ay ka degaan Xilka bal fiiri inta Madax ee na soo martey 23 kii Sano ma jiro  Qof  si caadi ah dadkooda ugu dhex noolaan karo halka Madaxdii hore gaar haan Xilyadii Lixdameeyadii waxaan arki jirey Aadan  Cadde oo Caruurtiisa iska lugeyn jirey Xitaa marka ay imaanayaan Dugsiga ay soo raaci jireen Gawaarida Dadweynaha ama BL-ka bal fiiri Maxamed Siyaad Caruurtiisa iyo EhelkIisa sida ay ula noolaan jireen Bulshadooda, waxaana arki jirey Wiil uu Dhaley Maxamed Siyaad oo aan isku Fasal ahayn marka aniga waxaan  arrinkaa ku tilmaami karaa isbedelka Xiliga ilaahna ha nasiiyo Madax nala noolaato.

Hooyo kale oo muddo Deris ahaayeen Hooyada Dhashey Raiisul Wasaaraha Cusub ayaa iyana ku Catowdey” waa arrin la yaab leh  haddi qof  aad Ehel tihiin si la filaan ah madax looga dhigo dalka  in ay ku soo wajehyso cabsi aad u daran marka Islaantaan maanta Wiilkeedii laga dhigey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya  waa islaan aan ku tilmaami karo qof aad u Ciseeya Deriskeeda islamarkaana si aad ah uga war qabta dadka la nool weliba Gurigeeda waxaa ku noolaa dad fara badan marka in maanta halkaa laga wado waa wax la yaab leh oo Nasiibdaro ah,marka Ilaah ha na siiyo Masuuliyiin Dadkooda la nool islamarkaaa aan ka Qaxayn  marka Madax Noqdaan iyo marka ay Xilka ka degaan.

Waxaa la soo gaarey Gunaadka Maqaalkeyga, inkastoo Madaxtinimada  Soomaaliya laga helo Magac ,Maamuus, Maal iyo Sharaf hadana  waxaa Nasiibdaro ah  in Qofka Madax noqdaahi aanu si  rasmi ah ugu raaxeysan Karin Araga Caruuirtiisii uu aadka  u jeclaa ka hor intii aanu Madaxda noqon waxaana intaa dheer in marka uu Xilka si uun ku waayo uusan ku sii nagaan Karin dalkiisa Hooyo waxayna taasi sababtaa in isaga Laftiisa uu ka daba Qaxo Caruurtii uu mar hore Qixiyey halka Madaxdii hore ee dalka ay hal Xeero wax kuwada cuni jiraan iyaga, Caruurtooda iyo Xaasakooda , Hadaba Madaxtimada Soomaaliya sow lama dhihi karo  waa  Xabsi uu ku jiro Qofka Madaxda Noqda  iyo  Barakac ku yimaada Caruutiisa  iyo Xaasaskooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk