Maamulka Gobalka Gedo oo ku gacan seeray Shirka Baydhabo

Baardheere (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesytay shir ka socda maagalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaasoo looga arrinsanaayo maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed.

Korneel. Cabdi Bare Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo la hadlay Idaacad ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in shirkaas aysan aqoonsaneen wixii ka soo baxanaya aan la keeni karin gobalka Gedo.

Wuxuu ku tilmaamay shirka mid ka dhacay Kismaayo horaantii sannadkii horre oo lagu unkay maamulka Juba ee madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Cabdi Bare ayaa tilmaamay in Maxamed Sayid iyo ergo kale oo ka qaybgaleysa shirka Baydhabo aaney matalin gobalka Gedo sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in ergadaas ay danahooda u aadeen Baydhabo balse dan ay u hayaan maamulka iyo shacabka gobalka Gedo aaney u bixin.

Sarkaalkan ayaa dowladda ka codsaday in ay  ka war qabto shirka ka socda Baydhabo uu ku tilmaamay ay wataan shakhsiyaad dano gaar ah ay wataan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com