DEG DEG: R/W CABDI WELI Sheekh oo caawa kulan la qaatay beesha Daarood

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow uu soo dhammaaday kulan uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed la qaatay xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha Daarood.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabka u xiran yahay, ayaa la sheegay in looga hadlay magacaabiista golaha cusub ee wasiiradda iyo beesha in la siiyo xubin muhiim ah.

Si kastaba si dhab ah looma oga wax yaabaha la isku raacay, balse xildhibaanno ka qaybgalay kulanka waxa ay lee yihiin “Aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka caawa aan la yeelanay ra’iisal wasaare Cabdiweli”

Dhinaca kale, warar la isku heleen karo oo laga helay Villa Somalia, ayaa caddeeenaya in dib ay u dhaceen magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiiradda.

Sababta waxaa lagu sheegay in khilaaf ay weli ka taagan qaabka loo qaybsanaayo xilalka iyo shakhsiyaadka la doonaayo in ay ka soo muuqdaan xukuumadda cusub.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada si loo sii ambaqaado howlaha badan ee hor yaalla dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com