Maxaa ka jira in R/W C/Weli uu maanta magacaabi rabay laba wasiir oo kaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal oo ku sugan Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online, in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu maanta oo Axad ah magacaabi rabay labo wasiir oo ka mid ah 25-wasiir ee xukuumadiisa ka kooban tahay, si ay uga qaybgalaan wajiga shannaad ee wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Balse wasiiradda ayaa magacaabiistooda waxaa ka dhashay khilaaf, waxaana la sheegay in dib loo dhigay sida ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay.

Waxaa khilaafka uu ka taagan yahay wasiiradda arrimaha dibedda iyo gudaha kuwaasoo hor taagan magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradda , waxaana jirra dad madaxweynaha uu doonayo in loo magacaabo xilalkaas, laakin ra’iisal wasaaraha ayaa isna wata shakhsiyaad kale.

Markii uu soo baxay khilaafkan waxaa madaxweyne Xasan Sheekh uu taleefon kula hadlay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana uu ka codsaday in dib loo dhigo wada-hallada labada dhinac.

Qoondada dumarka iyo xukuumadda cusub

Sida ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganay xukuumadda cusub dumarka waxa ay ku yeelan doonaan ugu yaraan afar wasiir ama wax ka badan, balse ma cadda wasiiradda ay qaban doonaan.

Waxaa jirra warar sheegaya in xukuumadda cusub ay ku jiraan labo ama seddax ra’iisal wasaare ku xigeen, laakin arrintaas xitta buuq ayaa ka taagan.

Geesta kale, xildhibaannada baarlamaanka ayaa raba in lagu dhawaaqo xubnaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya maadama ay fasax gali lahaayeen.

Waxaa laga yaabaa in 24-ka saac ee soo socda war cusub ka soo yeero xafiiska wasiirka koobaad ee xukuumadda Soomaaliiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com