Wada-hadallada Somalia & Somaliland oo mar kale dib u dhacay, Sabab?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa isku afgartay in dib loo dhigo wajigga shannaad ee wada-hadallada labada dhinac kaasoo lagu waday in uu dhawaan furmo.

Go’aankan ayaa yimid markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ay habeenkii xaley qadka taleefonka kuwad-haleen isla markaana ay isku raaceen in dib loo dhigo kulamada labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shir jaraa’id maanta Axad ah ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in codsiga ah in dib loo dhigo uu ka yimid dowladda Soomaaliya sida uu yiri.

Wuxuu xusay in codsi uu uga yimid dowladda Soomaaliya kaddib howllo hadda badan oo ku furan sida uu yir.

Waa markii seddaxaad oo dib uu u dhaco wada-hallada labada dhinac, oo ay martigalineyso dowladda Turkiga.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in weli aan la isku afgaran maamulka hawada Soomaaliya oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya, arrintaasna wafdi Somaliland oo uu hoggaaminaayo wasiirka duliska iyo hawada ayaan loo xil saaray” ayuu yiri wasiir Biixi.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa diidday codsiga in la qabto wada-hadallada iyaga dowladda Soomaaliya 15-ka bishan waayo waxay lee yihin waxaa noo qorseesan safaro aan aadeeno

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan sheegay in uusan hoos imaan doonin maamulka hawada Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in hawadeeda ay si madax banaan u maamulan doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com