Magacabaasita Saddex R/W ku xigeen oo khilaaf dhalisay iyo beelo diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaanada beelaha Direed oo kamid ah belaha loo saadaalinayo inay qaadan doonaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay uga digeenmadaxda sare ee dowladda Federaalka inay xukuumadda cusub ee soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed yeelato wax ka badan hal Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay Shuruucda dowliga ah ee Soomaaliya inay qabaan hal Ra’iisul Wasaare ku xigeen wixii ka badan ee la sameeyana ay horseedi karaan hoos u dhac ku yimaada awooda Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad.

Sidoo kale waxay xuseen beelaha Soomaaliyeed ee kale in laga doonayo la tashi in lala sameeyo ka hor inta aan lasoo magacaabin Wasiirada si meesha looga saaro caqabado soo wajaha Xukuumadda lasoo dhisayo.

Ugu danbayntii waxay dalbadeen Xildhibaanada beelaha Direed ee kulanka Muqdisho ku yeeshay Dowladda federaalka Soomaaliya si cadaalad ah inay u qaybiso Wasiirada.

Warar saacadihii u danbeeyay soo baxayay ayaa sheegayay inay jirto kala aragti duwanaansho ku aadan tirada Ra’iisul Wasaare ku xigeenada Wasiirada uu soo dhisayo Mr Abdiweli taasoo u dhaxaysa Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Isha: K24