Dhageyso: Shariif Xasan oo ka hadlay cidda noqoneysa madaxweynaha K/G

Muqdisho (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka hadlay shirka dhismaha maamulka koonfur galbeed ee Somalia ee ka socda magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan oo wareysi siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in laga tanaasulay fikraddii ahayd lix gobol oo ay ka mid yihiin labada Jubba iyo Gedo, laguna soo koobayo maamulka saddex gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Waxa uu sheegay in dowladda Somalia ay tahay tan leh hogaanka maamulka, islamarkaana looga baahan yahay inay shirkaas qaadato mas’uuliyaddiisa.

Shariif Xasan, ayaa waxa laga weydiiyey cidda madaxweyna ka noqoneysa maamulka iyo in isaga uu noqonayo madaxweynaha maamulka, sida ay dad badan rumeysan yihiin.

Jawaabtii uu ka bixiyey halkan hoose ka dhageyso

shariif xasan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com