XOG: Wasiirada cusub oo ay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa xukuumadii R/W Farmaajo + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) Xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaa ka socda kulamo aan kala go’ lahayn iyadoo ay ku qulqulayaan shakhsiyaad doonaya in ay iska arkaan golaha wasiiradda cusub iyo kuwa wakiil ah.

Haddaba wararkii ugu dambeyay waxa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha uu soo gabagabeeyay qorshihiisa ku aadan soo magacaabista xubnaha wasiiradda cusub, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalinta berri haddii alle idmo.

Yaa ku jirra liiska cusub ee golaha wasiiradda?

Sida ay lee yihiin ilo wareedyo lagu kal soon yahay oo la hadlay Caasimada Online, wasiiradda cusub badankood waa kuwa cusub balse waa ay jiraan shakhsiyaad kooban oo ku jiray xukuumadii Saacid.

Wasiiradda soo laaban kara waxaa ka mid ah Gaashandhigga,Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiiradda meesha ka bixi doonaa ama isbadal uu ku imaan doono waxaa ka mid ah, Warfaafinta, iyo arrimaha dibedda.

Dhinaca kale, wasiiradda cusub waxaa ku jirra qaar ka mid ah wasiiradii horre ee xukuumaddi KMG ah ee uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee Tayo.

Shakhsiyaadka la hadalhayo waxaa ka mid ah Wasiirkii Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Tacliinta iyo hiddaha Cabdinuur Sheekh Max’ed  iyo wasiiru dowlihii xukuumadii Tayo Sahro Maxamed Samatar.

Waxaa jirra faragallin lagu hayo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan soo magacaabista golaha wasiiradda cusub, waxaana arrintaas uu kala kulmayaa madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo mid kasta wata shakhsiyaad lagu daro liiska cusub.

Siddee wasiiradda loo qaybsaday?

Waxaa laga yabaa in afarta xil ee ugu weyn xukuumada loo qaybsado si siman oo ah shanta beel, wasiiradahaas oo kala ah, Arrimaha gudaha,Gaashandhigga, Maaliyadda iyo Dibedda , si meesha looga saaro hannaanka 4.5.

Waa markii labaad oo dowladda Soomaaliya ay qaadato nidaamkan haddii ay meel marta haanka shanta beel.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha wuxuu maanta oo ugu dambeesay la kulmay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, waxaana ay ka hadleey dhismaha golaha cusub ee wasiirrada.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu si degdeg ah ugu dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada si loo sii ambaqaado howlaha badan ee hor yaalla dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamid tahay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo maalmaha soo socoda dib uga furmaya dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com