Amniga Muqdisho oo laga hadlay & Digiino hor leh oo loo diray ciidamada Hubeysan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa daboolka ka qaaday in Hay’adaha amniga ay la xisaabtami doonaan Askarta caqbada ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan Karin in lagu dul dagaalamo dadka shacabka ah,waxa uuna cadeeyay inay ka hortagi doonaan cid waliba oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay xasiloonida Muqdisho.

Wasiir Ducaalle, waxa uu ku baaqay in ciidamada Dowlada ay si gaara u hubiyaan gaadiidka ay la socdaan ciidamada ka tirsan isla dowlada, si looga fogaado isku dhac ama muran dhexmara ciidamo isku shaqo ah.

Waxa uu tilmaamay inuu aad u wanaagsan yahay amniga magaalada Muqdisho oo xasilinteeda ay ku howlan yihiin dhalinyaro da’ yar oo difaacaya dalkooda.

Dilal yar yar ayuu sheegay in mararka qaar ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay wadaan qorshooyin lagu laba jibaarayo ka hortaga falalka amni darro sida dilalka qorsheysan ee kadhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir Ducaalle ayaa mar kale ku celiyay in meesha ay ka maqan tahay kaalinta shacabka, maadaama dadka geysta falalka amni darro ay yihiin kuwo ku dhex nool shacabka.

Haddalka Ducaalle, ayaa kusoo beegmaaya xili Bishii May ay magaalada Muqdisho marti galisay dilalkii ugu badnaa oo loo geystay shacab iyo shaqaale dowladeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimda@live.com