Amarka kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo oo dib loo buriyey + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalinimadii shalay uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo amar ku bixiyay in dib loo furo waddooyinka ka xiran shacabka, ayaa waxaa iminka soo baxaaya in amarkaasi ay jabiyeen Hay’adaha amaanka DFS.

Hay’adaha oo lagu amray inay culeyska ka qaadan dadka shacabka ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay dib loo xiray inta badan waddooyinka Muqdisho.

Waddooyinka ay dib u xireen ciidamada amaanka ayaa waxaa kamid ah Isgooska Debka oo laga celinaayo gaadiidka iyo mooto bajaajyada ka imaada dhanka Suuqa bakaaraha.

Ciidamada ku sugan isgooskaasi iyo dhowr isgoos oo kale ayaa diidaaya inay in gaadiidka iyo mootooyinka kor usoo fuulan dabka.

Ciidamada ayaa sidoo kale goordhow xiray waddooyinka yaryar ee kasoo baxa xaafadaha isla markaana gala laamiga Makka al-Mukarama, waxa ayna taasi u muuqaneysaa mas’uuliya darida Hay’adaha amaanka.

Boqolaal Hooyooyin iyo carruur ayaa goordhow dib u bilaabay inay lugtooda maalan maadaama subixii hore ee saaka ay ku waabariisteen waddooyinka oo dib loo furay.

Dhinaca kale, amar jabinta Hay’adaha amaanka ayaa daldaloolo u muujinaya dadka shacabka ah, hase yeeshee waxa ay shaki galineysaa kala danbeynta muddooyinkaani ka jirtay dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com