Daawo: Ciidamada Somaliland ee degmada Taleex oo u goostay Puntland

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Somaliland ee degmadaasi ay u goosteen dhanka maamulka Puntland.

Ciidamada oo ka tirsanaa Booliska Somaliland ayaa la xaqiijiyay inay usoo goosteen Puntland sida ay sheegen mas’uuliyiinta Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame, oo goobjoog ka ahaa halka ay isku soo dhiibeen ciidamada ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso ciidamada.

Isagoo ka hadlaayey ciidamada soo goostay ayuu yiri “Waxaan qirayaa in ciidamadan ay kasoo go’een Somaliland, waxaan orankarnaa waxa ay garteen wanaaga iyagoo qiimeeyay xaalada dhabta ah’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Booliska kasoo go’ay Somaliland ee aan qaabilnay waxa ay dhigeen xilalkii ay u hayeen Somaliland waxaa ku jira Saraakiil ka Puntland ahaan aad ayaan usoo dhaweyneynaa’’

‘’Saraakiisha iyo ciidamada hadda wixii ka danbeeya waxa ay ka mid noqonayaan Puntland waxa ayna u shaqeynayaan Qaranka’’

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame waxa uu sheegay in gacmo furan ay kusoo dhaweynayaan ciidamada maadaama ay garteen wanaga.

Geesta kale, arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulada Puntland iyo Somaliland ay kala il duufsanayaan ciidamada ku sugan deegaanada leysku heysto.