“Amniga Muqdisho waxaan idinku dhiibeynaa kuwiina jaamiciyiintaa” Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Wasaaradiisa ku dooneyso inay ku xakameyso amniga magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale, oo ka hadlaayay amniga ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ilaa iyo xad ku guuleysatay amniga, hase yeeshee waxa uu sababta ugu weyn ku sheegay shacabka Muqdisho oo aan wali juhdi buuxa galin la shaqeynta Hay’adaha amniga.

Amniga Muqdisho ayuu tilmaamay inay la wareegi doonaan dhalinyaro kasoo qalin jabiyay Jaamacado iyo Iskuulo, kuwaa oo uu carab dhabay inay u baahan yihiin wada shaqeyn ay ka helaan shacabka Muqdisho.

Dhalinyarada la ciidameeyay ee la wareegaya amniga ayuu sheegay in looga maarmi doono kuwa howlgabka ah, isagoo sababta ugu weyn ku sheegay in amniga Muqdisho ay ku haboon yihiin dhalinyaro fahmi karta shacabka intiisa kale.

“Baahida aan u qabno sugida amniga waxa ay nagu khasbeysaa inaan amiga u gacan galino dhalinyaro Jaamiciyiin ah si ay u difaacdan dalkooda”

“Dhalinyarada waxa ay fahmi doonaan la dhaqanka shacabka iyaga laga soo dhex xulay waayo xiligan Somalia waxa ay u baahan tahay in amnigeeda lagu wareejiyo dhalinyarada aqoonta leh, Somalia wey kasii gudbeysaa in dad aan aqoon laheyn ay sugaan amnigeeda”

Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale,waxa uu tilmaamay in mar waliba ay ka feejigan yihiin inay dhacaan musiibooyin lamid ah kii Zoobe ama wax ku dhow, isagoo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay sugtaan amnigooda.

Sidoo kale, Ducaale ayaa dhalinyarada fursad usiiyay inay ka faa’iideystaan sida garabka loogu siinaayo difaaca dalkooda, waxa uuna carab dhabay in amniga dalkooda ay iyaga u madax-banaan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa xooga saareysa sida isbedel buuxa loogu sameyn lahaa amniga magaalada Muqdisho, waxa ayna sidoo kale tababaro siineysaa dhalinyarada ka qalin jabiyay Jaamacadaha iyo Iskuulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com