Daawo: FARMAAJO oo si xirfadeysan kubbad ugu cayaaraya xeebta MARKA

Marka (Caasimada Online) – Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) oo kubad ku cayaaraya Xeebta magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ka garab cayaaraya Saraakiil ciidan, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iy dhalinyarad magaalada oo xiligaa usoo damaashad tagay Xeebta.

Madaxweyne Farmaajo oo aan ka muuqan cabsi ayaa si xarago leh ula cayaaraya Saraakiisha iyo Shacabka, iydoo aan dadkaasi la dareensiin in laga ilaalinaayo Madaxweynaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha iyo Dhalinyarada la cayaaraya cayaarta loo yaqaan “Dhex ku jir”, ayaa waxaa muuqaneysa inuu adeegsanayo xirfad cayaar waxaana aad u yar in kubada uu wato lugta looga taabto.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu sifeeyo Madxaweyne Shacab ayaa aad usoo dhaweysta dadka dhalinyarada ah, waxa uuna mar waliba dhalinyarada qaabilsan amnigiisa ku canaantaa inay xoriyad siiyaan shacabka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KUBADA