DF oo go’aan yaab leh ku taageertay Sacuudiga xilli cadaadis uu kaga imanayo caalamka intiisa kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markale taageero u muujisay dowladda Sacuudi Carabiya ka dib markii Caddaadis ay saareen Qaar ka mid ah dalalka Caalamka, sababo la xiriira weriyaha la la’yahay ee Sacuudiga Jamaal Khashoggi.

Jamaal Khashoggi aayaa la arkay tan iyo saddexdii bishan October markaasi oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, waxaana la tuhusan yahay in lagu dhex dilay halkaas.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” ayuu lagu war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dowladda Sucuudiga ayaa wajaheysaa Caddaadis ku aadan Wariye Jamaal oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sucuudiga ee Magaalada Istanbuul, waxaana dalalka reer galbeed ay ku tilmaameen tilaabada Sucuudiga mid ka baxsan Sharciga.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tagay magaalada Riyadh, waxaana uu kulamo la qaatay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan.