Inteena badan waxaan isku waafaqsanahay in caqabaddaha dalkeena hooyo haysta inay ugu horeyso arinta nabad galyada. Nabaddu waxay kamid tahay baahiyaha asaasiga ah ee banii aadamka ee dowlad laga rabo waana furaha hormarkaste ee bulsho gaarto. Hadaba qoraalkeygaan kooban waxaan ku iftiiminayaa sida aan u arko sida ugu haboon ee lagu heli karo nabad galyo waarta.
Laakiin marka hore bal aan iftiimiyo waxyaabaha sababi kara nabadgalyo daradda dalkeenu ladaadaalaa dhacayo iyo habacsanaanta hay’adeheena nabadgalyada qaabilsan. Ma tiro yari ayaa haysato mise tayo xumo?.
Nabadgalyo daradda waxyaabaha sababa hadii aan dhowr arimood katilmaano waxaa kamid ah (1) hooseynta heerka wacyiga bulshada, (2) la,aanta cadaalad bulsheed, (3) tayo xumida haysata hay’adaha amniga ilaaliya oo aan daacad u ahayn shaqadooda, iyo (4) isla xisaabtan la,aanta baahdsan. Shaki kuma jiro arimahaas aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badanba inay isbiirsadeen ayna ka dhalatey dhibaatadda haysata Soomaaliya noocey rabtoba ha ahaatee.
Amnigu waa wax lawada leeyahay oo la rabo in ay iska kaashadaan bulshada iyo hay’adaha u xilsaaran. Laakiin taas ma suurto galayso ilaa labadalo fikradda khaldan ee bulshadu ka haystaan shaqada askarinimada. Hadii aan u aragno in askarinimadu ay tahay shaqo laqabto tan ugu hooseysa ama aadan adigu qorateen inaad askari noqoto aadna rabto inaad hesho amni buuxa, taasi waa kaaf iyo kala dheeri.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan xagee ka yimid dhaqanka kudhisan kalsooni daradda iyo quursiga qiimaha askarnimadu nagu dhexleedahay? Anigu waxaan aaminsanahay in arintaani ay salka ku hayso dhaqan soojireen ah oo Soomaali ay leedahay kaasoo oranaya “askarigu waa qof qori sita dadkana dhaca ama dila!”. Iyadoo sidaas bulshadii aaminsantahay ayaa Soomaaliya u wareegtey nidaamka dowladnimo ee casriga ah. Kadib dowladaas waxa ay qoratey qof kaste oo qori ridi karey oo waxaa la qorey askarigi aan kor kusoo xusney. Dagaaladii sokeeya markii ay biloowdeen fikradii bulshadu kahaysatey askariga ayaa sii rumoowdey oo waxa ay idhahooda ku arkeen askartii shalay lagu qancinaayey inay sugayaan amaankooda oo gumaadaya shacabkii.
Waxaa muuqata ilaa hadda in askari loo qoro qof tilmaantii aan soo sheegney leh(qof qori sita oo dadka dhaca ama dila) waxaana bulshada dhexdeeda hadalhays kanoqotey (askarigu waa maliibaanaha lagu liibaaney!).
Si fikradaas khaldan loo badalo waa in la helaa askari shacabkiisa kalsooni ku dhex leh ayna isku haleyn karaan lana wadaagi karaan xogaha amniga quseeya. Sidee ugu haleeyn karnaa nafteena (1) askari balwad dilootey, (2) aan helin hurdo ku filan, (3) aan qaadan mushaar ku filan oo baahan, (4) aan laga warqabin baahiyihiisa gaarka ah (5) aqoontiisa maaddi iyo diiniba ay aad u hooseyso!?. Askariga noocaas ah asgaa ilaalin ubaahan masuuliyadda ugu culusna (ilaalinta nafta) looma dhiibi karo.
Nabadda oo la ilaaliyo waxay u baahantahay iimaan iyo caqiido suuban oo askariga hagta. Labadaas arimood la,aantood waxaa fududaanaysa in askarigii si fudud loolaaluusho lagana fushado wixii ladoono oo ay ka mid tahay fududeynta waxyabaha amniga lidka ku ah. Tusaale, waxaan xasuusta 2018 kii mar aan kasoo degay airportka Aden Adde, shaqaalihii joogey xafiiska socdaalka waxa ay iwaydiisteen shaxaad. Waxaan hubaa hadii aan jeebka u buuxin lahaa in ay ii fududeeyn lahaayeen waxyaabo amniga lid ku ah. Arintaani Mogadishu kaliya kuma koobna ee aad bay u fududahay inaad lakulanto askar ama shaqaale dowladeed oo masuulka ah goobo xasaaasi ah oo shaxaad ama laaluush kuwaydiisanaya. Sidaasoo ay tahay waxa jira askar daacad u ah shaqadooda inkastoo ay faro kutiris yihiin. Tusaale kale, gaadiidleyda isticmaala wadoonyinka dalka deegaankey rabtoba ha noqotee marka uu istaajiyo askarigu asagoon hubsan ama baarin in gaarigu wado wax amniga lidku ah waxa uu waydisanaya gaadiidleyda waa shaxaad. Marka nin baahan ma ilaalin karaa badqabka bulshada mise ku aamini karnaa!?.
Soomaaliya waxa ay si weyn uga faa’iidaysan lahayd dib u habaynta hay’adaha amniga gaar ahaan iyadoo la qaadanayo nidaamka booliiska madaniga ah oo ay saraakiishu u shaqeeyaan shacabka halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo ushaqeeya madaxda dowladda ee markaa joogta una gutaan waajibaadkooda shaqo si dhexdhexaadnimo, anshax iyo xirfad leh.
Dalkeenu wuxuu kasoo kabanayaa dowlad la,aan iyo dagaal sokeeye oo nagu yeeshay saameyn dhankaste ah. Si looga soo kabto saameyntaas taban iyo nabadgalyo daradaas waa in laga dhigaa qorshaha ugu horeeya uguna muhiimsan tayeeynta hay’addaha nabadgalyada qaabilsan si ay u usugaan nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed.
Hadaba si loo helo nabadgalyo waarta waa in dolwaddu ay ku sameysaa dib u habeeyn qotodheer hay’adaha amniga qaabilsan iyadoo qaadeysa tilaabooyinkaan:
1. In la badalo fikradda khaldan ee shacabku kahaystaan askarinimada iyadoo kor looqaadayo maqaamka iyo xuquuqda uu leeyahay askariga daacada ahi.
2. In shardi laga dhigo qofka raba inuu noqdo askari inuu leeyahay aqoonta dugsi sare ugu yaraan
3. In uu aqoon asaasi ah u leeyahay sharecada islaamka
4. Inuusan balwad lahayn noocay rabtoba ha noqotee
5. In kor loo qaado mushaarka iyo xuquuda uu leeyahay askarigu iyadoo lala simayo macalimiinta
6. In la sameeyo islaxisaabtan dhab ah oo joogto ah
7. In miisaaniyadda ugu badan looqoondeeyo hormarinta amniga
8. In ciidanku helo tabobarro tayo leh oo lagu dhisayo wacyigooda laguna beerayo wadaniyadda.
9. In kalabar askarta amniga suga laga dhigo dharcad si ay ugu fududaato inay ka hortagaan khataraha amniga lidka ku ah.
10. In la hirgaliyo lana sameeyo aqoonsiga gaarka ah ee bulshada khasabna laga dhigo in muwaadin kaste qaato.
11. In laga fogeeyo hay’adaha amniga qaabilsan arimaha siyaasadda iyo qabiilka danbina laga dhigo la isku cinqaabo kulug lahaanshahooda.
12. In uu noqdo askarigu mid qaran lagana keeno dhamaan dowlad goboleedyada dalka si isku dheeli tiran
13. In lagu xusho hogaanka sarsare ee hay’adaha amniga aqoontooda iyo hufnaantooda iyadoo latixgalnayo nidaamka saami qeybsiga ee beelaha kudhisan.
Baaris aan sameeyay waxaan ku ogaadey in mushaarka askarta booliska ah ee dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania uu u dhexeeyo USD 500-800 halka askarteenu ay qaadato bishii waxkayar 300 USD. Sidoo kale qorshaha maaliyadeed ee sanadlaha ah oo loo asteeyo arimaha amniga ee dalalkaas wuu kasareeya kan Soomaaliya. Si loo helo hay’ado tayo leh amnigana gacanta ku dhiga waa in wax laga badalaa sida hada ayku suganyihin hadii kale waxaan guraynaa miraha kharaar ee aan marwalba helno.
Sida muuqata waxaa jirta isku dheeli tirnaan la,aan laxiriirta qaab dhismeedka iyo xuquuqaha ay leeyihiin hay’adaha dowladdu iyodoo aan la siin mudnaanta siday ukala leeyihiin. Tusaale dhanka xuquuqsiinta, meesha xildhibaanka baarlamaanku kaqaato bishii USD5000 asakirigii har iyo hameyn larabey inuu usoo jeedo ilaalinta amniga uusan haysan daryeel kufilan sidee buu usugi karaa amniga xildhibaankaas. Waxaan soojeedinayaa in lagu laabto qaabeynta xuquuqda hay’adaha dowladda iyadoo dib u eegis lagu sameynayo xuquuqaha maaliyadeed ee badan ee lasiinayo wasiirada, xildhibaanada, shaqaalaha rayidka ah, lataliyaasha iyo dhamaan shaqalaha dowladda laguna kabo daryeelka iyo xuquuq siinta ciidanka Somaliyeed. Hadii aan wax laga badalin sida hadda hay’adaha amnigu yihiin waxaan guraneynaa mirihii kharaaraa ee aan markaste guran jirney. Bulsho way noolaan kartaa xukuumad iyo baarlamaan la,aan laakiin ma noolaan karto askari la,aan
Wa billahi Towfiiq
Qalinkii Dr Awil Mohamud
PhD holder in Organizational Leadership From Anadolu University Turkiye Bardacad@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.