Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada lagu muransan yahay ee maamulka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada lagu muransan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka kooban 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Degmooyinka uu guddiga sheegay inay ka sameynayaan diiwaan-gelinta ayaa waxaa 9 kamid ah ku yaalan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa ku jira liiska uu guddiga soo saaray degmooyin maalmo ka hor laga soo cayriyay guddiga doorashooyinka Puntland.

Hoos ka aqriso gobolada iyo degmooyinka uu shaaciyay guddiga

Gobolka Bari (6 degmo)
1. Boosaaso
2. Carmo
3. Balidhidin
4. Qandala
5. Xaafuun
6. Iskushuban

Gobolka Gardafuu (5 degmo)
1. Caluula
2. Bareeda
3. Baargaal
4. Murcanyo
5. Gumbax

Gobolka Karkaar (6 degmo)
1. Bandarbayla
2. Rako
3. Xumbays
4. Dhudhub
5. Shaxda
6. Waaciye

Gobolka Haylaan (3 degmo)
1. Dhahar
2. Buraan
3. Ceelaayo

Gobolka Mudug (7 degmo)
1. Gaalkacyo
2. Goldogob
3. Buursaalax
4. Xarfo
5. Towfiiq
6. Jariiban
7. Saaxo

Gobolka Sanaag (3 degmo)
1. Badhan
2. Laasqoray
3. Xingalool

Gobolka Nugaal (4 degmo)
1. Garowe
2. Buurtinle
3. Dangoroyo
4. Godobjiraan

Gobolka Cayn (1 degmo)
1. Buuhoodle

Gobolka Sool (2 degmo)
1. Taleex
2. Boocame