“Aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar” – Qisada gabar ka timid Mareykanka oo ku geeriyootay qaraxii xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Bahjo Maxamed oo aheyd Hooyo dhawaan caruurteeda kala soo guurtay dalka Mareykanka, si Soomaaliya ay ugu qaataan waxbarashada diiniga ah.

Cabdiqafaar Axmed Aadan waa seyga Allaha u naxariistee Bahjo Maxamed waxa uu sheegay inta uusan reerkiisa ka soo rarin Mareykanka inay is barbar dhigeen nolosha iyo waxbarashada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yalla caalamka, balse Marxuum Bahjo ay dooratay nolosha Muqdisho.

“In muddo ah waxaan raadineynay meel aan ciyaalka diintooda iyo dhaqankooda aan ku barbaarino… gabadha Allaha u naxariistee istikhaara ayay dukatay waxay dhahday aniga istikhaaradeyda waxay qabatay Xamar, sanadkii 2018-kii ayaan anigu Xamar tagey, waan soo sahmiyay, aniga aad baan uga helay magaalada Xamar, gaar ahaan deegaanka Daarusalaam, waxaana Bahjo la qaatay go’aankii ay ku dooratay Xamar, sidii ayaana ugu guurnay Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Daarusalaam,” ayuu yiri Cabdiqafaar oo la hadlay BBC.

Waxa uu sheegay in isagu hadda uu joogo dalka Mareykanka, isla markaana xalay markii la afuray ay wadahadleen iyadoo joogta xaafadii uu reerku deganaa ee Daarusalaam.

“Markaan cabaar wadahadalnay waxay igu tiri waa baxaa, waxaan u maleynaayey in meel dheer aysan adeynin, saacado kadib taleefoono aana garaneyn ayaa Xamar iga soo wacay, ma aana ka qaban, markii dambe waxaa isoo wacay wiil deris la ahaa reerkeyga markaan ka qabtayna waxa uu ii sheegay in Bahjo ay ku dhimatay qaraxii ka dhacay Muqdisho.”

“Macquul waa ila noqo weysay, waxaana ku iri ma Daarusalaam ayuu qarax ka dhacay saacado ka hor ayaanba la hadlee, waxuu ii sheegay inay baxeen oo Muqdisho aadeen iyada iyo gabdho kale oo deriska ahaa,” ayuu Cabdiqafaar hadalkiisa ku sii daray.

Cabdiqafaar waxa uu sheegay intaas kadib inuu la xariiray mid ka mid ah gabdhihii loo sheegay inay is raaceen Bahjo, isla markaana ay u sheegtay inay soo dhaweyn u sameynayeen gabdho kale oo qurbaha ka yimid, balse iyadu ay aaday dhanka isgoyska Dabka, sidaasna uu Qaraxu ku haleelay intii ay u sii socotay Dabka.

“Gabadhii waxay igu tiri markii aan imaanay halkii aan xafladda soo dhawqeynta ah ku laheyn ee KM4 ayey Bahjo nagu tiri dad ayaan alaab u geynaa waana soo noqonaa ee isuga, marka waa ay lugeysay ilaa Dabka, markii ay agmareysay saldhigga waxaa la ii sheegay in askartii hor fadhisay saldhigga ay aqoodeen oo ku yiraahdeen ‘Bahjo waad lugeyneysaa ee maxaa dhacay’ iyaduna ay ku tiri waaba daalay, sidaasna ay u siiyeen kursi, daqiiqado kadibna intii ay hor fadhiyeen saldhigga ayuu qaraxu dhacay,” ayuu yiri Cabdiqafaar Axmed oo ahaa seyga gabadhaan dhimatay.