Madaxweyne FARMAAJO oo safar dibadeed u baxaya

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar dibadeed u baxo isaga oo ku wajahan caasimadda waddanka Uganda ee Kampala

Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la hadashay Warbaahinta chimpreports.com ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu kamid ah yahay madaxda ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

Caleema saarka Madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni ayaa 22-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Nabusayi ayaa sheegtay in Farmaajo uu ku jiro liiska madaxwayneyaasha la filayo in ay gaaraan magaala madaxda Uganda ee Kampala Talaadada todobaadkan oo taariikhdu tahay 12-ka bisha May.

Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Madaxweynayaasha dalalka Mozambique, Burundi, Gabon, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Munaasbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

Dhanka kale, ma jiro wax xaqiijin ah oo illaa haatan laga hayo Villa Soomaaliya. Isku dayo ay caasimadda Online ku dooneysay in ay ku heleesho xiriirka xafiiska Farmaajo ayaanan guuleysan.