DF oo dalbatay in la beddelo ergeyga sare ee Midowga Afrika uu soo diray + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Midowga Afrika, taasi oo ay ku dalbaneysay in la bedelo Ergey sarre oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay dalbatay in la beddelo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay Midowga Afrika, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya.

Arrinta u weyn ee dowladda waqtigeeda dhamaaday u dalbaneyso bedelka Ergeygan cusub ayaa ah inuu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka.

Dowladda ayaa ka cabsi qabta in danahaas ganacsi dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowladda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed ee laba dal lasoo celiyey.

Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadintooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta ugu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya uga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gudbiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah usoo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta.

Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrimaha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga musharixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midowga Afrika ayaa markale wajahaya cadaadis uga imaanaya dowladda waqtigeeda dhamaaday, lamana oga in Guddoonka uu hogaansami doono fulinta dalabkaas iyo cidda lagu beddeli doono Mahama.