Saraakiishii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo maanta la aasay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Taliyihii saldhiga Booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye-xigeenkii Qeybta Waliyoow Cadde, Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamed Cageey oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay saldhiga Waaberi.

Taliyeyaasha ayaa waxaa saaka Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha Isbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay aaskooda mas’uuliyiin sarre oo uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo ehellada iyo asxaabta marxuumiinta.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb-gashay aaskaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay sida ay uga naxeen dilka labada Sarkaal oo ahaa shaqsiyaad sumcad iyo shaqo wanaag ku suntanaa.

Sidoo kale waxay ilaahay uga baryeen inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Saraakiisha iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey oo tiradooda lagu sheegay ayaa waxa kamid ahaa Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey.

Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 6 ruux oo kale, sida ay laamaha amaanka u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhaw-yahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay..