Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa marka hore wax laga weydiiyey waxa bedalay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey in uusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis.

Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalkiisii horena uu la xiriiray in uusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka.

“Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Haddaba waan ahay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kalena maba isla socono.”

Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xildhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koodhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday