Maxay ka wada-hadleen XASAN SHEEKH iyo SHARIIF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho.

Labada dhinac oo uu kulankoodu qaatay saacado badan ayaa waxa ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka weli ka taagan doorashooyinka.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo dhameystiri lahaa heshiiska ay dhowaan gaareen mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay u diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan May, kaas oo looga arrinsanayo doorashooyinka dalka ee 2021.

Labada musharrax ayaa sidoo kale ku ballamay in kulamada ay sii socon doonaan, kuwaas oo looga hadlayo, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.

Kulanka Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid Xisbiyada ay labada Madaxweyne kala hoggaamiyaan.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana aad la’isugu hayaa hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo xubnaha mucaaradka.