Xog: Odayaashii Geela u geeyay ciidamada Badbaado qaran oo loo hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay qatar amni wajahayaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka soo muuqday furimaha dagaalka, intii ay socotay qalalaasaha Muqdisho. 

Odayaashan ayaa ahaa kuwii xoolaha geela iyo raashiinka u geeyey ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga ee Muqdisho soo galay.

Ilo wareedyo lagu kalsonn yahay oo ka tirsan dhaqanka ayaa sheegay in qaar kamid ah odayaasha la soo wacay islamarkaana lagu eedeeyay “qaran dumin,” halka qaar kale oo laga soo wacay Numbero kale lagu eedeeyay in ay taageereen ciidamo “maleeshiyaad ah” oo aysan u qalmin dhaqan. 

Odayaasha ayaa sheegay in aysan isu sheegin qolada soo wacday. Qaarkood ayaa sheegay in dil loogu hanjabay halka qaar kalane ay sheegeen in loogu baaqay in ay ka haraan mucaaradka. 

Qaar kamid ah odayaasha ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in waxa soo wacaya ay yihiin ciidanka dharcadka ah ee dowladda. 

“Shaki kama qabno in dowladdu tahay iyada ayaana ka masuul ah haddii midkeen dhib gaaro,” ayuu yiri qof kamid ah odayaashaan oo la hadlay Caasimada Online islamarkaana aan magaciisa qarinay sababo amni aawgood. 

Ma jirto ilaa hadda Il madax banaan oo xaqiijin karta halka ay ka tirsan yihiin kooxda u hanjabeysa odayaasha dhaqanka. Numberada laga soo wacay odayaasha ayaa dhamaantoodba ah kuwa aan la arag ama Unknown number.