Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo sheegay inay ka hotageen ‘arrin uu rabay’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanetor Muuse Suudi Yalaxow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inta Madaxweyne Farmaajo madaxtooyada joogo in aysan ka bixi doonin difaaca, isagoo ku tilmaamay nin qorshihiisu yahay in la isku baaba’o.

“Farmaajo waxa uu ku tala-galay in magaaladaan lagu dad beelo, lagu gurya beelo, la is biliqeysto, gabdhahana lagu kufsado, balse taasi ma dhicin, waxa uu dhihi jiray intey joogaan dadka iga soo hor jeeda, isagoo isku haleynaya wiilasheena, waxaana siray dad aan tiro iyo tayo laheyn oo la-taliyeyaal u ah, kuwaas oo ku yiraahda ‘wax kaa soo hor jeeda ma jiraan, magaaladu waa nabad, balse kuwaas hadda hanaga kaa celiyeen,” ayuu yiri Sanetor Muuse Suudi.

Sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aan awood loo sheegan karin oo looga adagyahay sharciga oo kaliya, “Dadkaan wax lagaa soo qaaday ma cuni jirin, adigoo af iyo calool ah ayaad u timid, waxoodii ayaadna ku heysataa, marka sharciyaa looga adagyahay dadkaan, ee xoog cid ku aadda malahan,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in iyadoo Farmaajo iyo ragiisa aan xukunka laga wareejin aysan nasa doonin, isla markaana xoolaha ay beeluhu ugu deeqayaan ciidanka Badbaado Qaran ay sidooda u sii soca doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay heystaan aysan waxaba ku qaada doonin inay Farmaajo ka saaraan madaxtooyada, isagoo sheegay inuu qalqalay markii ay soo kor degeen.

“Dadkii Farmaajo beenta u sheegi jiray, wasiir ha ahaado, ama xildhibaan ha ahaado, ama guddoomiye baarlamaan ha ahaadee, ma cafi doono, iyagoon cafis naga dalban, sida aan asaga isaga dhicinay ayaan ula diriri doonaa, in dadkeenu is dilo, oo magaaladeenu gubato ayey ka shaqeeyeen, iyagoo hunguri doon ah oo reerahoodii meelo kale uga soo tagtay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanetor Muuse Suudi.

Sanetorka ayaa aad u eedeeyey guddoomiyaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka Maxamed Mursal, isagoo sheegay in beeshiisa aysan waxaba u heysan, balse Farmaajo uusan ka dembi yareyn, maadaama uu isku deyey in laba sano oo kale uu ugu daro xukunka.

“Waxaan ku leeyahay Farmaajow, haku daahin meesha, anigu waxaan ku sugaa adigoo Villada ka baxay ee guri ijaar ah galay, ama ka qaxay magaaladaan, taas kaligey sugi mayo ee dadkeygaa ila qaba, sababtoo ah dhibaataa u geysatay,” ayuu hadakiisa ku sii daray Xaaji Muuse Suudi.

Ugu dambeyntiin waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ay warkiisa yeeleen, balse markiisa laga doono inuu dadkiisa maqlo, “Rooble nin tol leh waa yahay, waana la tusay, laakiin tol aan nin laheyn yuusan naga dhigin,” ayuu yiri.

Hoos ka Daawo