Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray qaraxii xalay ee saldhigga degmada Waabari

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiigiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay saldhigga degmada Waabari ee ku yaalla waddada Maka Al-Mukarrama.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, gaar ahaan saraakiishii Booliiska ahaa ee lagu dilay qaraxaasi.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag u cambaareyey falkan, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaasi oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Booliska, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso. Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.

Si kastaba magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab.