Korneyl Shaah-macabe oo ka sheekeeyey qisada uu ugu baxay magacan (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Sheeh-macabe) waxa uu ka mid yahay saraakiishii hoggaamineysay ciidankii Badbaado Qaran ee dhanka Shabeellada Dhexe ka soo galay Muqdisho,isla markaana ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu ugu baxday magaca Shaah-macabe.

Waxa uu sheegay in yaraantiisii qoyskiisu uu ahaa reer Miyi oo ay deganaa jireen Tuulo lagu magacaabo Biyocade, halkaas oo u uku soo qaatay waxbarashadiisii hoose.

“Reer Miyigu wax aan Shaah aheyn ma daneeyaan, cidii aad u tagto wax aan Shaah aheyn kuma siineyso, anigu waxaan la socday ama shukaansa jiray gabar deriskeena ah, habeenkii ayaan u tegay, saan u sheekeysaneynay ayuu waagii beryey, waan ka tegay waxaan tegay xaafadeenii, waxaa la iisoo shubay Shaah, markii aan fiiriyey koobkii Shaah uku jiray oo qaacaa waxaa iiga dhex-muuqatay gabadhii aan ka soo tegay, waxaan ku iri ‘naa heblo’ inta la igu qoslay ayaa la i dhahay war heblo meeshaan ma joogtee Shaaha cab, ana ma cabine waan ka istaagay, xilligaas ayaana ka go’ay Shaah oo dhan,” ayuu yiri Mukhtaar Shaah-macabe

Waxa uu sheegay in xiligaas qiyaastii uu jiray 15-sano, isla markaana uu hadda mudo 18-sano ah Shaah moog yahay, “Markaas ka hor Shaaha aad ayaan u cabi jiray, waxaana la ii yaqiinay sagaal cooble,” ayuu yiri.

Sidoo kale Sarkaalkan waxa uu sheegay in gabadhii uu darted Shaaha uga go’ay aysan is calfan, oo haatan ay weli ku noo shahay Miyiga, isaguna uu xilligaas wax barasho u soo aaday Muqdisho.

Korneyl Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Sheeh-macabe) hadda waa Abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Magaciisa Shaah macabe ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u qabsaday baraha Bulshada, iyadoo dadku ay siyaabo kala duwan uga fal-celinayeen magacaan.

Hoos ka Daawo