‘Weerar Al-Shabaab ay soo qorsheeyeen oo laga hortagay lagana dilay xubno badan’

Maxaas (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad oo ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay galab ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Maxaas.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay inay ka war-heleen weerarro qorsheysan oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay sidaas ku weerareen, waxaana Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda halkaas ku dhex maray dagaal xoog leh.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Quulaale oo dhacda inta u dhaxeysa deegaanka Cali-Ganeey iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay todoba dagaalame oo ka tirsanaa kooxda, sida ay sheegeen saraakiishu.

Sidoo kale saraakiishan waxay sheegeen inay Al-Shabaab ka gubeen gaadiid iyo saldhigyo ay ku lahaayeen tuuladaas, balse waxay ka gaabsadeen shaacinta khasaaha dhankooda ka soo gaaray howlgalkaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku xooggan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka ayaa inta badan saldhigyadooda ku weerara ciidamada dowladda, waxayna mararka qaar gaarsiiyaan khasaare culus, balse haatan waxaa la sheegay in lagu weeraray goob ay ku qorsheynayeen weerar ka dhan ah ciidamada dowladda.