Faah-faahinta QARAXII saldhigga Waaberi + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidamin ahaa caawa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey waxaa ka mid ah Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “Qof naftii halige ah ayaa caawa fiidkii isku qarxiyay afaafka hore ee Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi. Qasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah geerida inta la xaqiijiyay ilaa 6 qofood iyo naftii haligihii iyo 6 dhaawac ah. Ilaahay ha u naxariisto Ex- Gle Axmed Cabdulahi Baashane (Taliyihii Saldhiga) , Ex-Gaale Cabdi Baasid Maxamuud Cageey (Taliye xigeenkii hore ee Qeybta Waliyow cade) 3 qofood oo Ciidanka ah iyo qof dariska ahaa.”

Saldhiga ayaa aad ugu dhaw isgoyska mashquulka badan ee Dabka, sidoo kale waxa uu aad ugu dhawyahay laamiga, waxaana dhici karta in khasaaruhu inta boolisku xaqiijiyey uu ka bato, maadaama ay wadada hor marta saldhigga ee Maka Al-mukarama ay aad u saxmad badan tahay.