Sheekh Shariif, Fiqi, iyo Odawaa oo war ka soo saaray qaraxa saldhigga Waaberi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraallo ka soo saaray geerida Taliyihii Saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo ka mid ahaa dad caawa lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga.

Ugu horey Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa u uku yiri, “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo kamid ahaa dhalinyaradii qaybta kasoo qaatay difaaca Dalka. Geerida Taliye Baashane waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo qoyskii Marxuumka Allaha u naxariistee.”

Qoraalka Sheekh Shariif ayaa intaas ku sii daray, “Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii argagixisada lahaa ee saldhiga Waaberi lagu weeraray waxaan Alle u weydiinayaa caafimaad degdeg ah. Argagixisadu maleh diin waana mas’uuliyad guud in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna qoraal uu soo saaray waxa u uku yiri, “Allaha u naxariisto taliye Axmed Sh Cabdullahi Baashane.

Waxa uu ahaa nin akhlaaq badan oo dabeecad wanaagsan, mustaqbalka booliiska Soomaliieed oo soo ifaya ayuu ahaa. Waxaan uga tacsiyaynayaa abihiis Sh Baashane oo an saxiiib ahayn muddo dheer iyo dhammaan ahalkiisa iyo ummadda Soomaliyeed.”

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray isna waxa uu ku yiri, “Allaha u naxariisto taliyihii saldhigga Waaberi Axmed Baashane oo caaway kooxaha argagixisadu ay ku beegsadeen qarax, inta kale ee la dhimatay Allaha u raxmado. Dhaawacana Allaha u booga-dhayo. Waa geeri xanuun badan.”

Wararkii u dambeeyey ee aan heleyno waxay sheegayaan in dhaawac goobta looga qaaday uu u geeriyooday Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow-Cadde ee booliska gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey.

Dad shacab ah oo wadada maraayey, saraakiil iyo askar ayey sidoo kale dhimasho iyo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu dhanyahay khasaaraha guud ee ka dhashay.