DF oo go’aan kasoo saartay keenista qaadka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ka dhan ah Qaadka Kenya ee Miraa, kaas oo mar kale ay ku celisay in aan la soo geli karin Soomaaliya, islamarkaana uu sidiisii yahay go’aankii ay ku joojisay dowladdu.

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in hadii la isku dayo in Soomaaliya la keeno Qaadkaas, ay tallaabadaas dowladda Soomaaliya u tix-geli doonto xad-gudub ka dhan ah hawada Soomaaliya.

“Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika,  waxaa loo tixgelin doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Hey’adda Duulista Hawada ayaa qoraalkeeda ku tiri, “Sidaas darteed Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay si adag ula talineysaa dhammaan hawlwadeennada in aysan ku dhaqaaqin usoo dhoofinta Mirra ee Soomaaliya illaa amar dambe ay ka soo saarto Hay’addu.”

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo soo celiyey xiriirkii go’ay ee kala dhaxeeyey Kenya, balse weli ma fasixin Qaadkii ka imaanjiray dalkaas oo la joojiyey markii uu xumaaday xiriirka labada dal.

Shacabka iyo dowladda Kenya ayaa aad u daneeya in dib loogu fasaxo suuqoodii Qaadka ee Soomaaliya, balse in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba xirto suuqaas waxaa sababay khilaaf asalkiisu yahay xuduuda badda ee labada dal, kaas oo dhawaan ay maxkamadda ICJ qaaday dacwadiisa, isla markaana laga sugayo go’aan kama dambeys ah.