Xog: DF oo mushaarka ka goosatay 100 ka mid ah ciidamada xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in laga goostay mushaarka bishii la soo dhaafay ee April, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada. 

Ciidanka laga goostay mushaarka ayaa ka tirsan Guutada 14-ka October, waxaana tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100 askari waxayna ka howlgalaan degaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose. 

Askarta mushaarka loo diiday ayaa la sheegay in qaarkood ku dhaawacmeen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Bariire 3-da Bishii April ee sanadkaan, halka qaar kalane oo kamid noqdeen kuwii ku dhintay dagaalkii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ku qaadeen isla degaanka, balse xuquuqdooda laga goostay ehalladooda iyo carruurtii ay ka tageen. 

Qaar kamid ah ciidanka mushaarka laga joojiyay ayaa sheegay in dhamaantood ay joogeen Bariire oo bil ka hor ku qabsaday dagaal qaraar oo ay ku waayeen tobaneeyo saaaxiibadood ah, hase yeeshee 20 maalmood kadib markii ay la dagaaleen Al-Shabaab mushaarkii laga goostay. 

Lama oga sababta rasmiga balse waxay wararku sheegayaan in tiro koob lagu sameeyay maalmo ka hor laga reebay liiska askarta dhaawacyada ah, akoonada kuwa dhintay, askar fasax ku jirtay iyo kuwa xiligaas roondo ku maqnaa. 

Ciidamada ayaa sheegay in markii hore askarta la siin jiray wargelin ah in uu jiro tiro koob maalmo ka hor inta aysan imaanin qolada qaabilsan balse kan uu ahaa mid kadis lagu sameeyay. Ciidanka laga goostay lacagta ayaa baaq u diray madaxda dowladda iyagoo sheegay in xilli adag ay kusoo aaday.