Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay kiiska dacwada badda iyo ‘kulanka’ DOHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay inuu jiro is-bedel ku yimid kiiskii Badda ee yaalay maxkamadda ICJ, kadib heshiis lagu soo celiyey xiriirka oo dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyay khilaaf xoogan.

Agaasime Cabdirashiid ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in kiiska Badda ay labada waddan ku xalinayaan meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo uu ku tilmaamay “mala-awaal aan sal iyo raad laheyn”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay difaaca iyo u-dagaalanka taako kasta oo kamid ah xuduudeheeda, gaar ahaan midda badda oo xiligan uu muran kala dhaxeeyo Kenya.

“Muranka badda waxaa go’aan ka gaari doonta maxkamadda. Mala-awaal ma aha xaqiiqo mana ahan aasaaska sharciga. Waxaa naga go’an inaan u dagaallano, difaacno oo aan ilaalino taako kasta oo ka mid ah xudduudaha badda ee Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan dadkeenna,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Hadalkaan ayaa sii xoojinaya mid uu dhawaan sheegay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo uu rajo wanaagsan uga muujiyey, kuna sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoynayso kiiska Badda, hase yeeshe waxaa xiligan is-bedel ku yimid xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kaasi oo kal hore meel xun gaaray.

Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inuusan jirin kulan gaar ah oo Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku dhex-maraya caasimada Qatar ee Doha.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar,” ayuu yiri.

“Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.  Soomaaliya Hanoolaato.”

Tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Muranka badda ee Kiiskeedu yaallo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ lagu xalinayo meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo ka dhigan in Soomaaliya ay ka tanaasushay dacwaddaas.

Dib usoo celinta xiriirka labada dal ayaa waxa dadaal badan ku bixisay dowladda Qatar, oo ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, sidoo kalena Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Qatar ayaa aad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.