Anigoo ka cararayo inuu dartey dhiig u daato ayaa xilkii iska casilay (Akhriso qodobadii is casilaada ku dhaliyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomalaiya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa faahfaahin ka bixiyey sababihii keenay inuu is casilo.

Khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka oo aad u dheereyd ayuu uga hadlay sababihii keenay inuu xilka banneeyo oo uu kasoo qaatay 6 qodob oo ka mida, taasoo ay ugu weyneyd in awood la isugu sheegtay oo xaaladu u muuqtay mid uu dhiig ku daadand doono

Jawaari ayaa qodobada uu sheegay inuu isku casilay inuu ka badbaadiyey Baarlamaanka Soomaaliya inuu qaato go’aan ka baxsan Dastuurka Dalka iyo xeer hoosaadkiisa.

Sidoo kale Jawaari ayaa qodobada is casilaadiisa kusoo daray inuu diiday in dartiis dhiig loo daadiyo sida uu hadalka u dhigay.

Jawaari ayaa sidoo kale qodobadak usoo daray is casilaadiisa inay sabab aheyd isagoo ilaalinayo inay shacabka niyad jabaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso 6-da qodob ee keentay is casilaadiisa: